Refugee Council

Adeegyada Refugee Council

Golaha Qaxootigu (Refugee Council) waa hay’adda samofalka qaxootiga ee madaxbanaan ee ugu weyn Boqortooyada Midowday ama UK ee bixisa talo iyo gargaar la siinayo magangalyo-doonka iyo qaxootiga jooga:

Waxa aanu u guntanay in aanu bixino adeeg loo siman yahay oo cadaalad leh oo la siiyo dhamaan isticmaalayaasha adeegga iyada oo aan la fiirin sinji, diin, cayn lab iyo dhedig, dookh galmo, naafo, da’ ama rumeyn siyaasadeed.

Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah
(Own Language Telephone Advice Service)


Waxa aanu bixinaa la-talin iyo war iyada oo la isticmaalayo Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah waxana adeeggaas lagu bixiyaa dhawr luqadood oo ah luqadaha qaxootiga. Waxa aad ka hadli kartaa dhibaato kasta oo laga yaabo inaad qabtid magangalyo-doon ahaan ama qaxooti ahaan oo ay ku jiraan habka magangalyo-doonka iyo taageerada iyo waxyaabaha aad xaq u leedahay. Adeeggaasi waa bilaash loo mana baahna in teleefonka lacag kuu jirto
haddii aad naga soo wacdid lambar ah khadka dhulka iyo lixda shirkadood ee teleefonka gacanta ee waaweyn ee UK: 3, Orange, Virgin, Vodafone, TMobile iyo O2.


Si aad toos ula hadashid mid ka mid ah la-taliyeyaashayada adiga oo ku hadlaya luqadda aad dooratid, fadlan soo wac 0808 808 2255. Haddii ay suurtogal noqon weydo in arrinta lagu xaliyo teleefonka, waxa laga yaabaa inaan ku siino ballan oo aanu ku weydiisano inaad soo booqatid mid ka mid ah xafiisyadayada.

Fadlan la soco in aanay suurtogal noo noqon doonin inaan ku aragno haddii aanad ballan sameysan adiga oo isticmaalaya adeegga teleefonka.

Saacadaha Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah waa:

9.30 ilaa 1 galin dambe iyo 2 galin dambe ilaa 4.30 galin dambe Isniinta, Salaasada, Khamiista iyo Jimcaha

2 galin dambe ilaa 5 galin dambe Arbacada


Haddii aad qabtid dhibaato maqalka ah, fadlan soo wac 0808 808 2259

Adeegyo dheeraad ah:
Qaar ka mid ah xafiisyadayada waxay bixiyaan adeegyo dheeraad ah sida la-talin cilaaj ah, barnaamijyo qaabilaad, taageero la siiyo caruurta aan waalid wehelin iyo adeegyo xarun maalin.


Ogeysiisyo Muhiim ah:

Golaha Qaxootigu waxa uu kula talin doonaa iyada oo la fiirinayo danta kuugu fiican. Waxa aanu kaa gargaari doonaa codsiyadaada ku saabsan hoy iyo kharashyada nolosha ee Hay’adda Xuduudka ee UK (UK Border Agency - UKBA) waxana aanu kuu sharixi doonaa xuquuqdaada iyo xaqaaga iyo macnaha sharciyada.

Golaha Qaxootigu ma bixiyo la-talin sharci ama wakiilnimo sharci oo ku saabsan sheegashadaada magangalyo. Golaha Qaxootigu waxa uu ka-reebanaan ka helay Xafiiska Gudoomiyaha Adeegyada Imigarayshanka (Office of the Immigration Services Commissioner – OISC) si uu u bixiyo la-talin imigarayshan oo ah OISC Level 2 waxana uu Bilad Tayo u haystaa shaqada la-talin ee magangalyada. Haddii aanay suurtogal noo ahayn inaan ku gargaarno waxa aanu ku siin doonaa liiska wakiillo sharci oo tayo leh.

Inkasta oo aanu bixin karno talo, ma beddeli karno go’aamada ay gaadho Wasaaradda Gudaha (Home Office) ama Hay’adda Xuduudka ee UK (UKBA) ee ku saabsan kiiska qof.

Qeexid:

Hay’adda Xuduudka ee UK (UKBA) waa hay’ad ka tirsan Wasaaradda Gudaha oo qayb ka ah Dawladda kana mas’uul ah gaadhista go’aamada ku saabsan codsiyada magangalyo iyo taageero.


Xafiisyadayada

Landhan


Refugee Council Brixton office (and Head Office)
Refugee Council
240-250 Ferndale Road
London SW9 8BB
Teleefon: 020 7346 6757
Faakis: 020 7346 6770
Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah: 0808 808 2255

Xafiiska Golaha Qaxootiga ee Brixton waxa uu gargaaraa magangalyo-doonka iyo qaxootiga gudaha aagga Magaalo-weynta Landhan (Greater London) oo ay ku jiraan dhamaan xaafadaha Landhan.

Maab

Download the document here (Somali) Halkan ka soo dejiso

 


Bariga Iglan

Refugee Council Ipswich office
Refugee Council
c/o ICVS
1st floor
1 Cornhill
Ipswich IP1 1DD
Teleefon: 0845 145 1415
Faakis: 01473 255 877
Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah: 0808 808 2255

Xafiiska Golaha Qaxootiga ee Bariga Iglan waxa uu gargaaraa magangalyo-doonka iyo qaxootiga jooga Suffolk, Norfolk, Essex, Cambridge, Bedfordshire iyo Hertfordshire.

Maab

Download the document here (Somali) Halkan ka soo dejiso


West Midlands


Refugee Council Birmingham office
Refugee Council
Stone Road Hostel
3 Stone Road
Edgbaston
Birmingham B15 2HH
Teleefon: 0121 446 5118
Faakis: 0121 440 2868
Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah: 0808 808 2255

Xafiiska Golaha Qaxootiga ee West Midlands waxa uu gargaaraa magangalyo-doonka iyo qaxootiga jooga gudaha iyo agagaarka Birmingham, Wolverhampton, Stoke-on- Trent iyo Coventry.

Maab

Download the document here (Somali) Halkan ka soo dejiso


Yorkshire iyo Humberside


Refugee Council Leeds office

Ground Floor
Hurley House
1 Dewsbury Road
Leeds LS11 5DQ
Teleefon: 0113 244 9404
Faakis: 0113 246 5229
Adeegga La-talinta Teleefonka ee Luqaddaada ah: 0808 808 2255

Xafiiska Golaha Qaxootiga ee Leeds waxa uu gargaaraa magangalyo-doonka iyo qaxootiga jooga North East Lincolnshire, South iyo West Yorkshire iyo Humberside.

Maab

Download the document here (Somali) Halkan ka soo dejiso

 


Hay’ado kale

Adeegyada Golaha Qaxootigu waxay u adeegaan aagaga London, the East of England, West Midlands iyo Yorkshire iyo Humberside. Si aad u heshid faahfaahinta sida loola xidhiidho hay’adaha samofalka qaxootiga ee ka hawlgala aagaga kale, soo dejiso:

Download the document here (Somali) Dukumenti ah PDF oo ku saabsan hay’ado samofal oo kale iyo aagagooda

 

Rugta internetka Refugee Council waxa ku jira war dheeraad iyo illo adeegyo waxase uu ku qoran yahay kaliya Ingiriisi.