Warka Muhimad Leh
Codsashada Magangalyada
Applying for asylum
Qoraalkan yari waa dib-u-fiirin ku saabsan habka codsashada magangalyo. Waxa uu
sharaxayaa habka magangalyada iyo waxa dhaca inta magangalyo-doonku sugayo
go’aan. Qoraalkan yari ma bixinayo sharaxaad buuxda oo ku saabsan sharciga balse
waxa uu yahay tilmaan-bixin kaliya.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Codsashada taageero magangalyodoonnimo
Applying for asylum support
Waxa laga yaabaa in magangalyo-doonka ay u baahnaadaan gargaar xagga hoyga
iyo kharashka nolosha ah inta ay sugayaan go’aan laga gaadho codsigooda
magangalyo-doonka. Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa sida dadku u heli karaan
gargaar ku saabsan waxyaabahaa.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Go’aan oggalaansho ah oo ku saabsan codsigaagii magangalyada
Positive decision on your asylum application
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa waxa ay yihiin xuquuqda iyo deeqaha ay leeyihiin dadka la siiyay oggalaansho ay ku joogaan wadanka.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Miyaad tahay qof ay dhibaato ka soo gaadhay xasarad xagga sinjiga ah?
Are you a victim of racial harassment?
Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii la weeraro ama la caayo sababta oo ah asalka sinjigooda ama qowmiyadooda. Qoraalkan yari waxa uu bixinayaa war ku saabsan talaabooyinka dadku ay qaadi karaan haddii falalkaasi ku dhacaan.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Sida loo sameeyo cabasho
How to make a complaint
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa sida aad u sameyn kartid cabasho haddii aanad ku qanacsanayn adeegga aad ka heshay mid ka mid ah xafiisyada Golaha Qaxootiga.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Daymaha Dejinta
Integration loans
Qoraalkani yari waxa uu sharaxayaa sida qaxootigu iyo dadka haysta badbaadin bini’aadan ay u awoodi karaan inay codsadaan daymo dejin si ay nolol cusub uga bilaabaan Boqortooyada Midowday (UK).
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Warka La-qabsiga Bulshada
Tilmaan-siinta qaxootiga xagga hoyga
Refugees' guide to housing
Qoraalkan yar waxa badi loo qoray qaxootiga imminka uun helay oggalaansho
joogitaan, waxana uu sharaxayaa qaar ka mid ah xuquuqdooda iyo
ikhtiyaaradooda hoyga.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Tilmaan-siinta qaxootiga xagga tababarka iyo shaqo-helista
Refugees' guide to training and employment
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa xuquuqdaada shaqo-helista iyo
ikhtiyaarada kuu banaan marka aad raadsanaysid tababar ama shaqo.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Tilmaan-siinta qaxootiga xagga gargaarka dhaqaale
Refugees' guide to welfare benefits
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa gargaarka dhaqaale (welfare benefits) ee
laga yaabo in lagu siiyo haddii dakhligaagu yar yahay ama aanad dakhli lahayn.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Dukumentiyo kale
Codsashada dejin ka dib oggalaansho joogitaan oo ah shan sanno oo la bixiyay ka dib Bishii Sideedaad 2005
Applying for settlement after five year permission to stay granted after August 2005
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa sida UKBA ay wax uga qabanayso codsiyada dejinta ee qaxootiga la siiyay oggalaansho qaxooti (refugee status) ama oggalaansho badbaadin bini’aadan (humanitarian protection) ka dib 30-kii Bishii Sideedaad 2005
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Kaadhka bixinta ‘Azure’ ee taageera Qaybta 4 (Section 4)
Section 4 support ‘Azure’ payment card
Qoraalkani waxa uu sharaxayaa kaadhka bixinta Azure ee taageerada Qaybta 4 u shaqeeyo waxana ku yaala war ku saabsan waxa la sameeyo haddii ay dhibaatooyin jiraan.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Codsiga taageero lacag (kaash)kaliya : la degista qof qoyska ah ama
saaxiib
Applying for cash only support: moving in with family or a friend
Qoraalkani waxa uu sharaxayaa sida aad u weydiisan kartid inaad heshid taageero ah kaash kaliya marka aad rabtid inaad ka guurtid hoyga ay bixisay UKBA si aad ula noolaatid qof qoyska ah ama saaxiib. Waxa kale oo ay faahfaahinaysaa waxa la rabo inaad ka fiirsatid ka hor inta aanad sidaa yeelin.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Lacagaha hooyada la siiyo ee waalidka weydiistay magangalyada
Maternity payments for parents seeking asylum
Qoraalkani waxa uu sharaxayaa lacag-siinta hooyada ee ay heli karaan waalidka weydiistay magangalyada iyo waxa laga rabo inay sameeyaan si ay u helaan lacagtaas.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Ma tahay qof aan waxba haysan oo dhamesta habkii magangalyo-doonka?
Are you destitute and at the end of the asylum process?
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa sida magangalyo-doonka saboolka ah ee soo
gaadhay dhamaadka habka magangalyada ay u heli karaan gargaar ah hoy iyo
kharashka nolosha oo hoos yimaada sharciga magangalyada ee imminka jira
(Section 4).
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Taageerida Qaybta 4 – Vouchers Dheeraad ah
Section 4 support – additional vouchers
Buug-yarahaan wuxuu kuu macnaynayaa sidii loo codsado vouchers’ka taageerida
dheeradka lagu bixiyo, tusaale ahaan socdaalka ama xannaanada cunugga
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Xumeynta guriga – gargaar ma u baahan tahay?
Domestic abuse - do you need help?
Qoraalkan yari waxa uu sharaxayaa waxa laga soo qaado inuu yahay xumeyn guri iyo sida aad gargaar u heli kartid haddii lagugu hayo xumeyn gudaha guriga.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Ma codsatay magangalyo ka hor 5-tii Bishii 3-aad 2007 mana aad helin
oggalaansho joogitaan oo ah Boqortooyada Midowday (UK)?
Have you applied for asylum before 5th March 2007 and have not been granted the right to stay in the UK?
Qoraalkan yari wuxu sharaxayaa sida Hay’adda Xuduudka UK (UK Border Agency) ay
uga shaqeyso codsiyada magangalyo ee la sameystay ka hor 5-tii Bishii Saddexaad 2007
iyo sida taasi u saameynayso magangalyo-doonka.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Tilmaan-bixin ku saabsan wareysigaaga magangalyada
A guide to your asylum interview
Qoraalkan yar waxa loogu talogalay inuu kaa gargaaro sidii aad isugu diyaarin lahayd wareysigaaga magangalyada iyo in lagu siiyo war ku saabsan waxay yihiin waxa aad filan kartid iyo xuquuqdaadu.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Dugsiyada caruurta – warqad war iyo xaqiiqooyin ah oo loogu talogalay
waalidka qaxootiga ah
Schools for children - information factsheet for refugee parents
Warqaddan ah xaqiiqooyin waxa ku yaala war faa’iido leh oo loogu talogalay waalidka
qaxootiga ah kuna saabsan xeerarka dugsiga, oo ay ku jiraan imaanshaha dugsiga, labiska
dugsiga iyo laylisyada guriga ee dugsiga.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Caafimaadka Galmada – warqad ah war iyo xaqiiqooyin
Sexual health – information factsheet
Warqaddan xaqiiqooyinka ahi waxay jawaabo ka bixinaysaa qaar ka mid ah su’aalaha inta
badan la iska weydiiyo caafimaadka galmada, oo ay ku jiraan meesha loo tago gargaar iyo
talo.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Dhaafsan iridaha dugsiga: koobitaan warbixin
Beyond the school gates: report summary
Dukumentigani waa koobitaanka warbixin cilmi-baadhis lagu baadhay baahiyaha iyo waayaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka ku jira dugsiyada sare ee Iglan. Waxa ku jira talooyin ku saabsan sida dugsiyada iyo Ururada Beelaha Qaxootigu ay wada-jir ahaan uga shaqeyn karaan in la sii fiicneeyo taageerada la siiyo dadka da’da yar ee qaxootiga ah, waalidkooda iyo daryeeleyaashooda.
Si aad u soo dejisatid dukumentiyada
Rugta internetka Refugee Council waxa ku jira war dheeraad iyo illo adeegyo waxase uu ku qoran yahay kaliya Ingiriisi.
